Ciidamada Itoobiya iyo kuwo Al-Shabaab oo u dagaal ku dhexmaray duleedka Magaalada Baladweyn.

 

Ciidamada Itoobiya iyo kuwo Al-Shabaab oo u dagaal ku dhexmaray duleedka Magaalada Baladweyn.

(Baladweyn) may.23,2013,Allgalkacyo.com.

Dagaal xooggan ayaa waxaa uu dhexmaray Ciidamada Al-Shabaab iyo kuwo Itoobiya gaar ahaan kuwo loo yaqaano New Police,waxaana dagaalkaas uu geystay qasaarooyin kala duwan.

Dad goob joogayaal ah ayaa waxaa ay inoo shegeen in Ciidamo katirsan Al-Shabaab oo Zakawad ka aruursanayeen deegaano duleedka ka ah Magaalada Baladweyn oo lagukala Magacaabo Sawaxuma iyo Dudumoqoris oo qiyaastii 50 KM dahanka wuqoyi kaga began magaalada Baladweyn ee xaruunta hiiraan ay weerar soo qaadeen.

Mas’uuliyiin katirsan dowladda Fadaraalka Somaaliya ayaa waxaa ay dagaalkaas ku shegeen in uu ahaa mid aad u culus oo la’isku adeegsadaay hubka nuucyadiisa kala duwan,laakiin waxaa ay warbaahintaa u shegeen in 12 qof ay Al-shabaab ka dileen,inkastoo dhinaca kale aysan wali kahadlin dagaalkaas.

Al-Shabaab ayaa inta badan waxaa ay weeraro ku soo qaadeen Fariisimaha Ciidamada Jabuuti,Itoobiya iyo kuwo dowladdda ay kuleeyihiin Baladweyn iyo deegaanada hoos yimaada.

All Gaalkacyo- Baladweyn.

Xafiiska Muqdisho.

Comments:
Opinions
QASHINKA IYO SUNTA HALISTAA EE LOO DHOOFIYO DUNIDA SADDEXAAD: MACNAHA IYO UJEEDOOYINKA QORSHAHAN GURRACAN IYO SIDUU U SAAMEEYEY SOOMAALIYA IYO AFRIKA
Garwaaqsigii ilbaxnimadii wadankeyga ? ( qeybtii 1aad).
(Muqdisho) June 3,2013,Allgaalkacyo.com. Daawo Sawiro Wariye Caan ah oo aad u xanuunsanaya,unabaahan in la caawiyo.

Ku Xayaysiiso Ganacsigaaga Halkaan
Amal Express

IBAE Education
IBAE Education/